Waxaa caawa la go’aamin doonaa tartanka xisbiyada midig iyo bidix ee doorashada Sweden. Anna Nyqvist oo ah sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa xaqiijisay in natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqi doono caawa fiidkii.
Waxaa maanta la guda galay tirinta codadka aan soo gaarin goobaha codbixinta ee maalintii doorashada, waxaana codadka dadka dibadaha ku nool ay yihiin codadka dadkii hore uga codeeyay.
Waxaa jira 314 degmo oo codadkooda la tirin doono, maadaama ay jiraan codad yar oo aan la tirin karin degmooyinka yaryar, halka tusaale ahaan magaalada Stockholm maanta la tirin doono kumannaan cod.
Ilaa hadda, garabka midig ayaa ku hogaaminaya hal kursi oo baarlamaanka ku leh Xisbiyada Gaduudka Cagaarka halkaasoo xisbiyada Moderaterna, KD, Libaraalka iyo Sverigedemokraterna ay si wadajir ah u heleen 175 kursi, halka xisbiyada Socialdemokraterna, Vänsterpartiet, Miljöpartiet iyo Centerpartiet ayaa helay 174 kursi, taasoo u dhiganta 0.7 boqolkiiba codadkii la dhiibtay marka loo eego kutlada kowaad.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in tirinta doorashada degmooyinka ay socon doonto ilaa Khamiista, balse caawa ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada baarlamaanka. Maamulka weli ma aysan qaban waqti sax ah oo lagu shaacinayo natiijada.
Waxaa la sheegay in cid kasta oo danaynaysa ay tagi karto goobaha ay ka dhacayso tirinta codadka, si ay u daawadaan qaabka ay u dhacayso tirinta codadka, iyadoo dhammaan degmooyinka ay shaaciyeen goobta iyo xilliga ay dhacayso tirinta codadka si qof walba uu uga soo qeyb galo.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqi doona natiijada la ansixiyay ee doorashada baarlamaanka Iswiidhan toddobaad kadib maalinta doorashada. Markaa natiijadu waxay u kala caddaan doontaa xisbiyada yaryar ee kale ee aan soo gelin Baarlamaanka. Natiijada la ansixiyay ee doorashooyinka gobolka iyo degmada waxaa lagu dhawaaqi doonaa ku dhawaad laba toddobaad ka dib maalinta doorashada.