Dad badan oo Carbeed iyo Muslimiin codkooda dhiibtay oo la hadlay CNN ayaa sheegay in aysan u codeyn doonin dib u doorashada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sababo la xiriira taageerada hagar la’aanta ah ee uu u hayo Israa’iil iyo in uu ku guuldareystay in xabad joojin joogto ah laga sameeyo Gaza.
Wareegii doorashada madaxtinimo ee u danbeyay, Biden waxa uu taageero ka helay dhowr masuul oo caan ah oo Muslim Mareykan ah oo la soo doortay iyo hogaamiyayaasha bulshada. Laakiin markan, qaar badan ayaa xanaaqsan.
“Waxaan rumaysanahay inuusan u qalmin codadleena inaan siino” ayuu yiri Khalid Turaani oo ah 57 jir, fadhigiisuna yahay Michigan iyo la-guddoomiyaha cutubka gobolka ee dhaqdhaqaaqa Abandon Biden. “Ma dooran doono Joe Biden. Waxaan aaminsanahay in gacan-karnimadiisa iyo ka-qaybgalkiisa firfircoon ee xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Falastiin ee Gaza ay ka reebayso codkayga” ayuu intaas ku daray
Ololaha Abandon Biden ayaa laga sameeyay Minnesota ka dib markii koox Muslimiin Mareykan ah ay dalbadeen madaxweynaha inuu ku baaqo xabbad joojin ugu dambeyn 31-ka Oktoobar. .