Home News in English Mudadee Ardayda ku heli karaan Sharciga Degaanshaha Rasmiga Hadii ay Shaqeeyaan

Mudadee Ardayda ku heli karaan Sharciga Degaanshaha Rasmiga Hadii ay Shaqeeyaan

0

Arday badan ayaa Dalka Sweden ku helay Sharciga Deganaanshaha iyagoo ka faa’ideestay inay Waxbarashada ka gaareen heer sare tusaale Qeybta dugsiga sare.

Laanta Socdaalka ee Sweden ayaa heshay kiisas badan oo ku aadan in Ardayda qaarkood ku hareesteen sharciga qaab ah inay shaqeeyaan.

Migrationsverket-ka ayaa cadeesay in 18 bilood looga baahanyahay ardayga inuu shaqeeyo si uu u helo Sharciga Rasmiga ee Deganaanshaha Dalka.

Tuser Biswas, oo ah arday wax ka barta jaamacadda Borås, ayaa aaminsan in 18 bilood ay tahay been abuur, sababtoo ah hey’adda laanta socdaalka kuma xisaabtameyso 6-da bilood ee shaqada ee qofka tijaabo ahaan u shaqeeyo.

Dad badan ayaa shaqadooda iskaga tagay iyagoo taasi badalkeeda Shaqo bilaabay lakin sharciga markii uu ka dhacay waxay heleen diidmo madama sababta ugu weyn ee sharciga loo siiyay ay aheyd Waxbarashada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here