Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ayaa soo saartay tirada Qaxootiga la filayo in sanadkan loo kordhiyo Sharciga ku meel gaarka ah kuwaasi oo sii kordhaya sanadaha soo socda
ku dhawaad 17,000 kun ayaa la filayaa in ay gaaraan tirada Qaxootiga Sweden ilaa sanadkan 2023 marka la eego xaalada Sharciyada ku meel gaar ka ah.
Sida la ogyahay, isbadalka ugu weyn ee ku yimid sharciga cusub ayaa ah in ogolaanshaha deganaanshaha kumeel gaarka ah uu noqon doono saldhiga ugu weyn ee dadka magangalyada la siiyay, marka laga reebo qoxootiga laga soo qaaday wadamada kale, oo ay Sweden ka aqbashay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga.
agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka, Mikael Ribbenvik, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Sweden ee TT in hay’addu ay haysato ilo ku filan oo ay ku dabooli karto dalabka sii kordhaya.
Sida laga soo xigtay maamulka, waxay fileysa in tirada codsi kordhintu ay gaarto 17,000 sanadka 2023, iyo 30,000 sanadka 2024.