Home News in English Migrationsverket-ka oo soo gaabinaya Waqtiga Sugitaanka Jawaabaha

Migrationsverket-ka oo soo gaabinaya Waqtiga Sugitaanka Jawaabaha

3

Waqtiga sugitaanka Jawaabaha waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay dareemayaan dad badan oo go’ano ka sugaya laanta Socdaalka.

Radio Ekot ayaa hada daaha ka rogay in Sanadka Cusub la filayo in la dadajiyo jawaabaha laanta socdaalka ee migrationsverket.

Raadiyaha oo arintan baaritaan ku sameenaya ayaa soo xigtay Frederic Lundal  oo ah Qareen Maxkamada Magaalada Malmö.

Waxa uu Qareenka u sheegay Raadiyaha in Qorshaha uu yahay sidii 6 bilood looga dhigi lahaa waqtiga ugu badan ee jawaabaha sugitaanka laanta socdaalka.

Sugitaanka jawaabaha ayaa ah kuwa aad u adag tan iyo sanadkii 2016 markaasi oo Qaxooti badan soo gaareen wadanka waxana mararka qaar ay sugitaanka jawaabaha gaaraan 21 bilood.

Somaliska Stockholm

AD

3 COMMENTS

  1. Warkasi waa war fiican hadii sidiisa loo fuliyo, waa dad badan oo Soomali ah ayaa muddo badan sugaayey oo ay la daahan nimanka kan Immigration-ka jooga. jawaabaha ay heli lahaayeen. kuwaasi oo qofka wakhti badan ka lumiya. marka dambena Jaho wareer badan dhaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here