STOCKHOLM – Maxkamad ku taal dalka Iswiidhan ayaa amartay in xabsiga lagu hayo nin iyo haweenay ka dib markii lagu helay shaki la xiriira inay geysteen fal dambiyeed gacan ka hadal culus ah oo loo gaystay wiil ay daleen oo aad u yar, sida ay sheegtay jariidada maxaliga ah ee Norrköpings Tidningar.
Baaritaankan ayaa bilowday ka dib markii ilmaha yar lagu arkay nabaro dhowr ah iyo feeraha oo ka jabay markii uu dhashay wax yar ka dib sanadkii hore. Baaritaanno caafimaad oo xigay ayaa xaqiijiyay in dhaawacyadan aysan ka dhalan karin xanuun ama dhibaatadii xilliga dhalashada, taas oo xoojisay tuhunka ah in ilmaha loo geystay dhibaato sida ay werisay wakaaladda wararka ee TT.
Waalidiinta ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay inay wax dambi ah galeen. Waxay ku doodeen in dhaawacyada ilmaha soo gaaray ay dhaceen xilli ay isku dayayeen inay u sameeyaan gargaarka degdegga ah ee neefta lagu soo celiyo (CPR), ka dib markii ay dareemeen in xaaladiisu khatar ku jirto.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ilmaha yar laga fogeeyay waalidiintiisa, laguna wareejiyay qoys daryeela (Foster care). Maamulka ayaa sheegay in ilmaha uu hadda ka kabsanayo dhaawacyadii jireed, isla markaana uu muujinayo koritaan caadi ah oo dhinac kasta leh.







