Waxaa mar kale lasoo gaaray waqtiga la Cusbooneysiinayo Daganaanshaha Dalka Sweden iyadoo sanadkii hore ay jireen Dad badan oo helay Sharciga oo kumeel gaar ah.
Dadka waqtigaasi dib loogu Celiyay Sharciga ku meelgaarka ah ayaa sabab looga dhigay inaysan buuxin Sharuudaha looga baahnaa.
Sharuudaha waxaa ugu mihiimsan Shaqo joogta ah iyo Guri in aad heysato hadaba sidee ugu fudud ayaa ku buuxin karaa labada qeybood.
Heshiiska Guriga waxaa kugu Filan Warqada Inboende uu kuu qori karo Qofka guriga aad la degantahay.
Shaqada waa Muhiim ah waana uu Qofka sharciga Rasmiga ku heli karaa Shaqo joogta ah ama tillsvidare waxaa jira heshiisyo kale oo laga helo Shaqooyinka uma badna inay kuwaas ku caawin karaan.
Fadlan ku Dadaal in aad ka faaideysato Fursada labaad ee ku soo Mareysa in Sharciga Rasmiga aad u hesho.
Hay’adda Laanta Socdaalka ayaa la filayaa inay soo saarto warbixino Cusub hadii ay jiraan isbadal ay Dowlada Sameysay.
Somaliska Stockholm