Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.
Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay “in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka” ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo.
Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.
Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.
Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee la ballaariyay ay ahayd mid lama huraan ah sababtuna ay tahay waxa maamulkiisu uu ku tilmaamay guul darrooyinka baaritaanka iyo hubinta nidaamyada dibadda
Saraakiishu waxay soo xiganayeen heerka dalbashada fiisaha oo sarreeya, diiwaannada madaniga ah oo aan la isku halleyn karin, musuqmaasuqa, falalka argagixisada iyo in dalalku aysan Mareykanka kala shaqeyneyn aqbalidda muwaadiniintooda la atrxiilay.
Ku dhawaaqistan ayaa daba socotay xarigga muwaadin Afgaanistaan u dhashay oo looga shakisan yahay in uu dhowaan toogtey labo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, dhacdadaas oo Aqalka Cad uu tilmaamay in ay muujinayso walaaca dhanka amniga.
Dalalka ay saaran tahay xayiraadda buuxda ee socdaalka:
- Afghanistan
- Burkina Faso
- Burma
- Chad
- Equatorial Guinea
- Eritrea
- Haiti
- Iran
- Laos
- Libya
- Mali
- Niger
- Jamhuuriyadda Congo
- Sierra Leone
- Soomaaliya
- Suudaanta Koofureed
- Sudan
- Suuriya
- Yemen
- Shakhsiyaadka ku safraya dukumentiyada uu bixiyo Maamulka Falastiin
Waa markii saddexaad ee Trump uu soo rogo xayiraad dhanka socdaalka ah.







