Home Wararka Maanta Mareykanka oo u diraya maraakiib dagaal iyo diyaarado badan Bariga Dhexe

Mareykanka oo u diraya maraakiib dagaal iyo diyaarado badan Bariga Dhexe

0

Milatariga Maraykanka ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal oo badda ah geyn doona bariga dhexe, Pentagon-ka ayaa sidaas sheegtay, kadib markii ay sii korortay xiisadda, xilli Iran iyo xulafadeeda Xamaas iyo Xisbullah ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan falkii ay Israa’iil ku dishay madaxda sare ee Tehran iyo Beirut.

Mareykanka ayaa ku dhiiranaya in Iran ay ka dhabeyso wacadkeeda ah in ay ka jawaabto dilka hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh.

Dilka hogaamiyihii Xamaas ayaa yimid saacado un kadib markii Israa’iil ay duqeymo ka geysatay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, halkaasi oo ay ku dishay Fu’aad Shukr oo ahaa taliyihii militariga ee ururka Xisbullah ee isbaheysiga la ah Xamaas.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ansixiyay in loo diro maraakiibta badda ee dheeraadka ah iyo kuwa wax burburiya, kuwaas oo soo ridi kara gantaalada balaastikada ah, loo diro Bariga Dhexe iyo Yurub.

Waxa ay sidoo kale koox dheeraad ah oo diyaarado dagaal ah u diraysa Bariga Dhexe.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here