Home News in English Mareykanka oo Ciidamo u diray Dalka Germalka, Xili Xiisad ka jirto Ukraine

Mareykanka oo Ciidamo u diray Dalka Germalka, Xili Xiisad ka jirto Ukraine

0

Mareykanka ayaa 7,000 oo Askari u diraya dalka Jarmalka, si ay gacan uga geystaan ​​xaqiijinta xulafada NATO oo qayb ka ah ciidamo badan oo horraantii sanadkan heegan la geliyay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamadan ay ka koobnaan doonaan guutada gaashaaman ee dagaalka, ayna maalmaha soo socda u amba bixi doonaan dalka Jarmalka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ciidamadan ku tilmaamay khudbad uu jeediyay horaantii Khamiista.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii sheegay in aysan jirin “dariiq kale” oo lagu difaaco Ruushka oo aan ahayn in ciidamo milateri loo diro dalka Ukraine, xilligaasi oo ciidamada Ruushku ay dhamaystirayeen weerar xagga badda, dhulka iyo cirka ah oo ay ku qaadeen Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka waxa uu tilmaamay in Ruushku aanu doonayn inuu waxyeeleeyo nidaamka dhaqaale ee caalamka, isla markaana aanu doonayn in laga saaro, halka caasimadaha dalalka reer galbeedka ay sheegeen inay isu diyaarinayaan cunaqabatayn aan hore loo arag oo ka dhan ah Moscow.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here