Home Wararka Caalamka Mareykanka: Musharax Donald Trump oo ka badbaaday Dil Toogasho

Mareykanka: Musharax Donald Trump oo ka badbaaday Dil Toogasho

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa lagala cararay goob uu taageerrayaashiisa kula hadlayay oo ku taal magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, kaddib markii la maqlay wax u muuqday rasaas, isagoo markiiba dhulka ku dhacay.

agagaarka Trump ayaa waxaa soo buux dhaafiyay ilaalada gaarka ah, kuwaasoo markiiba  goobta kala cararay. Dhiig ayaa laga arkayay wejiga Trump.

Dhacdadan ayaa ku soo aaday maalin mashquul ah oo Trump iyo Biden oo la filayo inay ku tartamaan doorashada November, ay ku jireen ololahooda doorashada.

Sawirka Trump oo gacantiisa lulaya, wajigiisana dhiig ka daadanayo, iyo calanka Maraykanka oo gadaashiisa ka muuqda Waxay noqon doontaa astaanta ololaha Trump oo u horseedi karta inuu mar kale tago Aqalka Cad sida ay sheegeen xeel dheerayaal ku faalooda siyaadda Mareykanka.

Muuqaal ay baahisay warbaahinta oo sidoo kale ku faafay baraha bulshada, ayaa soo muujiyay meydka qof lagu sheegay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay toogashadii uu ka badbaaday Trump, oo saaran saqafka guri ku dhow halka uu Trump kula hadlayay taageerrayaashiisa, iyagoo la sheegay ciidanka ilaalada gaar ah ee Mareykanka inay ninkan toogteen. Lama soo bandhigin warbixin amni oo lagu sharraxay dhacadadaan.

Sida laga soo xigtay saraakiisha amniga, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guryaha Trump iyo sidoo kale xubnaha qoyska Trump. Balse , si cad weerarkan wuxuu sare u qaadaya ololaha doorashada Trump , taasoo u dhaweynaysa natiijo guul ah.

Hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee Senet-ka, Chuck Schumer ayaa sheegay inuu alle u baryayo badbaadada Trump, halka hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Congress-ka, Hakim Heferez uu sheegay inuu ka walaacsan yahay isku dayga dilka, uuna ku faraxsan yahay in Trump uu badbaaday.

Wiilka uu dhalay, Trump Jr ayaa si deg deg u baahiyay sawirka Trump, oo si dhaqso ah u noqonaya midka ugu caansan ee ololihiisa, isagoo ku soo qoray;”Ma joojin doono dagaalka lagu badbaadinayo Ameerika.”

Trump oo dhaawac yar uu ka soo gaaray toogasho ka dhacday goob uu taageerrayaashii kula hadlayay, ayaa hadda la xaqiijiyay inay xaaladiisa wanaagsantahay, taaso laga arkayay markii goobta laga dejinayay, iyadoo madaxa ololihiisa uu ku ammaanay laamaha ammaanka sida dhaqsada leh ee dhacdadaan ay uga jawaabeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here