Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan Badda Cas uu burburiyay labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo laga soo riday aagga Yemen ee ay Xuutiyiinta maamulaan.
Waxa uu sheegay in markabkan wax burburiya uu ka jawaabayay warbixinnada markabka konteenarka ee Maersk oo lagu weeraray marinka muhiimka ah ee maraakiibta, taasoo ah tii ugu horreysay tan iyo markii la bilaabay kormeer caalami ah ku dhawaad laba toddobaad ka hor.
Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay. Shirkadda Maersk, ee laga leeyahay dalka Denmark – ayaa sheegtay toddobaadkan, inay isku diyaarinayso inay dib u bilowdo isticmaalka Badda Cas, ka dib markii ay baddashay marrinkeeda, weerarradii ugu dambeeyay awgood.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in gantaalladooda ay ku wajahan yihiin maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil, sababtoo ah weerarka ay ku hayaan Qasa.