Madaxweyne Joe Biden ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu qaabili doono 100,000 kun oo qaxooti ah oo ka imaanaya Ukraine.
-Dhammaan dalalka dimuqraadiga ah ee dunidu waxa ay xil ka saaran yihiin inay caawiyaan. Dadka reer Ukrainena waxay ku kalsoonaan karaan in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadiisa, ayuu Biden ku soo qoray Twitter ka dib booqashadiisa Poland.
“Waxaan qaabili doonaa 100,000 oo Qaxooti Ukrain ah,” ayuu raaciyay.
Tirada ayaa la ogaa dhowr maalmood, waxaana Khamiistii sheegay ilo ka tirsan dowladda Mareykanka. Biden ayaa markaas sheegay in Poland ama Romania ama Jarmalku aysan si buuxda u qaadi karin mas’uuliyadda qaxootiga.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu 1 bilyan oo dollar ku bixin doono wadamada Yurub ee u baahan in laga caawiyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay dagaalka Ukraine.