Hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga, ahna ra’iisul wasaaraha Magdalena Andersson, ayaa booqatay goobo lagu tilmaamay inay dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba ka liidato magaalada Dalarna, intii ay ku guda jirtay safarkeeda doorashada maanta, oo ay ku jirto gobolka Tjärna ängar oo ay ku nool yihiin qayb weyn oo ka mid ah dadweynaha. Soomaali asalkeedu kasoo jeedaan.
Andersson ayaa ku micneysay mar ay la kulantay qaar ka mid ah dadka deegaanka, in aysan ka shallayn hadalkeeda ah in ay diiday in xaafado Soomaali, Talyaani iyo Shiinaha laga sameeyo Sweden, hadalkaas oo ay dhawaan u sheegtay wargeyska Dagennyheter, kaas oo dhaleeceyn badan ka dhaliyay, gaar ahaan Soomaalida.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi, oo ku nool agagaarka Tjärna ängar, ayaa hadalkeeda u arkay mid takoor ah, wuxuuna Sweden ku dhaleeceeyay inay ogolaatay in nuqullo ka mid ah Qur’aanka uu gubo xagjirka garabka midig ee Rasmus Paludan.
Arinta Quraanka ayay ka hadashey
Andersson ayaa ku jawaabtay, “Ma jecli, waxaan u maleynayaa inay tahay ixtiraam darro, laakiin waxay waafaqsan tahay sharciga.. Waxaad ku gubi kartaa Quraanka, Baybalka iyo buug kasta oo aad rabto gudaha Sweden.”
Waxa ay u sharaxday in aysan ka shalayn hadalkeeda ku aadan xaafadaha Soomaalida, iyadoo la eegayo in dad badan ay ku raacsan yihiin.
“Waxaan tagay meelo badan oo la takooro mana la kulmin hal qof oo aan rabin in Swedishku noqdo afkooda hooyo,” ayay tiri.
Sida ay sheegtay, si meesha looga saaro kala soocida meelaha la deggan yahay, waa in maalgelin badan lagu sameeyaa dugsiyada, hawlaha madadaalada iyo in la hubiyo in dad badan shaqo tagaan.
Xisbigu waxa kale oo uu rabaa in la baabiiyo sharciga degenaanshaha gaarka ah, EBO, oo macnaheedu yahay magangelyo-doonku waxa ay xaq u leeyihiin in ay doortaan halka ay rabaan.Taas waxaa ku raacay xisbiyada mucaaradka.