Ra’iisul wasaaraha dalka Magdalena Andersson ayaa qiratay in looga adkaaday doorashada, waxayna go’aansatay inay istiqaaladeeda u gudbiso afhayeenka baarlamaanka.
Shir jaraa’id oo ay caawa qabatay iyadoo la tiriyay sanaadiiqdii ugu dambeysay ayaa waxa ay tiri, “Waxaan codsan doonaa in xilka leega qaado mas’uuliyadda howsha socotana waxaa loo gudbin doonaa Guddoonka Baarlamaanka iyo Baarlamaanka.
Anderson ayaa heendoonta Xilka muddo ku meel gaar ah ilaa laga soo dhisayo dawladda cusub.
Waxay Sheegtay in ay diyaar u yihiin hadii M ay ku adkaato dhismaha Dowlada Cusub.
. “Hogaamiyaha M waxa uu doortay in uu la shaqeeyo xisbiga Sverigedemokraterna…Haddaanu nahay xisbiga S waxa aanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno xisbi kasta, marka laga reebo xisbiga Sverigedemokraterna, waxaana la kaashan doonaa cid kasta oo doonaysa in ay qayb ka noqoto xal u helida mushkiladaha Sweden.
Andersson ayaa ku nuuxnuuxsaday in xisbiyada M, KD iyo liberals ay tahay inay qaataan mas’uuliyadda joojinta hadalada nacaybka ah
Natiijadii tirinta codadka ayaa muujisay in garabka midig ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha xisbiga M Ulf Kristershon ay ku guulaysteen aqlabiyad aan badnayn, iyagoo helay 176 kursi, halka 173 uu helay xisbiyada Cagaaran.