Nin 35 jir ah ayaa u dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray toogasho ka dhacday magaalada Västerås habeenkii Jimcaha.
Isla magaaladaas, toogasho kale ayaa ka dhacday guri, waxaana ku dhaawacmay nin 25 jir ah.
Abaaro 8-dii fiidnimo ee jimcaha, bilaysku waxa ay heleen telefoono badan oo ku saabsan fal toogasho ah oo la tuhunsan yahay oo ka dhacay Karlfeldtsplatsen oo ku taal gobolka Västerås ee Norra Skallberget.
Nin 35 jir ah ayaa la helay isagoo dhaawac ah, waxaana loo qaaday isbitaal, waxaana Booliska ay sheegeen in habeennimadii uu ninkaasi u dhintay dhaawacii soo gaaray, kiiskana uu ku socdo baaritaan dil ah.
Booliska ayaa sidoo kale baaraya in dhibbanaha uu wax xiriir ah la laha kooxaha dambiilayaasha ah.
Kadib saddexdii subaxnimo ee sabtida, booliiska ayaa lagu wargeliyay toogasho cusub oo ka dhacday guri ku yaal degmada Vallby ee magaalada Västerås.
Booliiska ayaa goobta ka helay nin dhaawac ah oo 25 jir ah.
Booliska ayaa sheegay in qofka dhaawaca ah uu ku jiray gudaha guriga markii ay haleeshay rasaasta, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo ka dhashay firir ka dhashay muraayadahaasi oo ka dhashay rasaasta lagu furay.
Matilda Isakson, oo ka tirsan booliiska Västerås ayaa tiri: “Waa in ay jiraan dad badan oo gudaha ku jiray, laakiin ma sheegi karo halka ay joogeen intii uu shilku socday.”
Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu qaaday Ambalaasta Isbitaalka, iyadoo xaaladiisa aysan cadeyn.
Baaritaan horudhac ah oo ku saabsan isku day dil ayaa la bilaabay.
Xigasho: www.svt.s