Netanyahu ayaa inta uu socday kulanka uu Aqalka cad kula yeeshay Trump, wuxuu wacay Ra’iisul wasaaraha Qatar
Wuxuu ka raalli geliyay weerarkii aya Israa|l ka geysatay Dooxa, sida uu sheegay telefishinka Kanaalka 12 ee Israa|l ka soo baxa.
Qatar ayaa shuruud horey uga dhigtay inay ku soo laaban karto dhexdhexaadinta xabbad joojinta Qasa oo ay hakisay markii uu dhacay weerarkii Doxa , xilliga ay Israiil raalligelinta ka bixiso.
Netanyahu ayaa horey uu hanjabay inuu sii wadi doono ugaarsiga madaxda xamaas ee jooga Qatar ka dib weerarkii fashilmay ee Israel ku qaaday Doxa
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyey qorshe cusub oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil iyo Qaza inta lagu guda jiro wadahadal uu Aqalka Cad kula yeenayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Trump ayaa ka hadlay rajada laga qabo in heshiis la gaaro, isagoo saxafiyiinta u sheegay Jimcihii: “Waxaan u maleynayaa inaan heshiis gaarno.”
Laakin Netanyahu ayaa Axadii sheegay “wali lama dhameystirin”, halka Xamaas ay sheegtay in aan si rasmi ah loo soo dirin soo jeedinta.