Macluumaad laga helay ninkii ka danbeeyay Weerarka ka dhacay Bartamaha Caasimada Stockholm.

0

tan iyo 11 april waxaa socotay baaritaan lagu sameenayay ninkii ka danbeeyay weerar argagixisao oo ka dhacay bartamaha caasimada Sweden gaar ahaan wadada Drottninggatan ee aadka u mashquulka badan,

Weerarka oo uu geestay Rakhmat Akilov ayaa lagu fuliyay gawaarida Xamuulka ee loo yaqaano ( Lastbil ) halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 5 ruux halka uu dhaawac soo gaaray tiro intaasi ka badan,

Maanta oo talaado ah ayaa shaaca laga qaaday baaritaan lagu sameeyay waxaana kamid ahaa helitaanka xiriiro uu sameeyay kahor inta uusan fulin weerarka sida muuqaal uu iska duubay isla markana uu u diray groupyo uu ka kamid ahaa ee dhanka Social media ah.

Rakhmat Akilov ayaa sidoo kale muuqaalada la helay waxaa kamid ahaa sawir uu iskaga qaaday gaariga dhexdiisa iyo erayo uu isaga duubay muuqaalka dhexdiisa isagoo ku hadlayay waa waqtigii dhemashada.

badi warbaahinta dalka sweden ayaa maanta hadal heysa warbixinada ku aadan macluumaadka laga helay Rakhmat Akilov oo galaaftay nolosha dad u dhashay dalka Sweden iyo dhaawaca tiro kale.

Qareenka u doodayay Rakhmat Akilov ayaa dhankiisa sheegay in ay jiraan macluumadka laga helay ruuxan weerarka geestay.

Somaliska Stockholm

Source Expressen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here