Xaafada södertälje ee koonfurta Sweden ayaa waxaa ka dhacay toogasho cusub oo ay ku dhaawacmeen laba qof.
Dhowr qof ayaa booliska u sheegay inay maqleen rasaas ka dhacaysa Södertälje, saacadu markay ahayd 6:15 galabnimo ee Khamiista.
Laba qof oo dhaawac ah ayaa la helay, mid ka mid ah dadkaas ayaa loo qaaday isbitaalka.
Mats Ericsson, oo ah afhayeenka saxaafadda ee booliiska ayaa sheegay in Booliska ay wadaan baaritaan ku aadan toogashada.
Booliska ayaa isku gadaamay agagaarka goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay.
Waxaa lagu soo waramayaa in toogashadan ay tahay tii shanaad oo ka dhacda Södertälje in ka yar laba toddobaad gudahood. Labo ka mid ah shilalkaas ayaa waxaa ku dhintay labo.
Tan iyo bishii Febraayo, wadar ahaan shan qof ayaa ku dhintay shilalka