Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in laba askari oo boolis ah uu nin ku tooriyeeyay fagaaraha Leicester ee bartamaha magaalada London.
Askartan ayaa lagu daweynayaa isbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo balse aan ahayn kuwo halis ah. Dhacdadan ayaa dhacday abaare 06:00 subaxnimo, waxaana ninka la qabtay looga shakisan yahay in uu jirkiisa dhaawac weyn u geystay, isla markaana uu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa buluuga ah.
Howlgal ballaaran oo dhanka ammaanka ah ayaa hadda ka socda magaalada London ee dalka Ingiriiska, ka hor aaska boqorada Elizabeth oo maalinta Isniinta ah dhici doonta, markaasoo la filayo in ay ka soo qeybgalaan madax ka socota dalalka caalamka iyo madax ka socota caalamka.
Wararka kale ee Maanta
AD