Home Wararka Caalamka Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo Adkeneysa Helitaanka Dhalashada

Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo Adkeneysa Helitaanka Dhalashada

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Hay’adda Socdaalka ayaa ku dhawaaqday hab adag oo lagu xaqiijinayo codsiyada jinsiyadda, iyadoo ujeedadu tahay in laga hortago dadka khatarta ku ah ammaanka inay qaataan dhalashada Iswidhishka.

Wakaaladdu waxay sheegtay in dhammaan codsadayaasha looga baahan yahay inay si shaqsi ah uga soo xaadiraan Hay’adda Socdaalka si ay u xaqiijiyaan aqoonsigooda iyo inay siiyaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan taariikhdooda, sida shaqadoodii hore iyo dalalkii ay ku noolaayeen ama u socdaaleen.

Adkeyntan ayaa timid iyadoo laga jawaabayo amar hore oo ay dowladdu u soo saartay hay’addu waxay sidoo kale ka shaqaynaysaa inay sii baarto dukumentiyada aqoonsiga waxayna leedahay qorshayaal mustaqbalka ah oo lagu qabanayo waraysiyo afka ah oo la ballaariyay qaar ka mid ah codsadayaasha.

Oskar Ekblad oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in dadka khatarta ku ah amniga Sweden aan la siinin dhalasho, isagoo xusay in bixinta jinsiyadda ay tahay go’aan aan laga laaban karin, “Taasina ay muhiim tahay in la qaato go’aan sax ah,” ayuu yiri TT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here