Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ballistic ah u ridday dhanka badda ee bariga dalkaas, sida ay sheegeen milatariga Kuuriyada Koonfureed.
Shaqaalaha difaaca ee koofurta ayaan wax war ah oo degdeg ah ka bixin nooca gantaalka la sheegay iyo inta uu ku duulayba.
Duulaanka ayaa dhacay wax yar ka hor doorashada Mareykanka iyo dhowr maalmood ka dib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu goob joog ka ahaa markii uu dalkaasi tijaabiyay gantaalkiisa cusub ee isaga kala goosha qaaradaha. Waxaa loo sameeyay si loo gaaro dhul weynaha Mareykanka.
saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in dalka ay dariska yihiin ee waqooyiga ay u badan tahay in uu kordhin doono dhaq dhaqaaqa militari si uu u helo dareen la xiriira doorashada madaxtinimada ee Talaadada ka dhici doonta Mareykanka.
Toddobaadkii hore, hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay u badan tahay inay sidoo kale dhammeeyeen diyaargarowga tijaabada cusub ee Nukliyeerka.