Home Wararka Caalamka Kooxda Xuutiyiinta oo Gantaalo ballistic ah ku Weeraray Caasimada Israel ”Dad ku...

Kooxda Xuutiyiinta oo Gantaalo ballistic ah ku Weeraray Caasimada Israel ”Dad ku Dhaawacmay”

0

Gantaalada ballistic ah Xuutiyiinta Yemen saaka ku weerareen Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato ayaa su’aalo ku dhaliyey Israel iyo dalalka reer galbeedka.

Waxa la isweydiinayaa sida uu guul-darreystay nidaamka difaaca hawada Israa’iil inuu ka hortago gantaalkan, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Israa’iil waxay sheegtay weerarkan inay ka dhalatay dhaawaca 9 qof , balse ma jiro ilo madax bannaan oo ka hadlay khasaaraha weerarkan

Saraakiisha sare ee difaaca Israa’iil ayaa baaraya sida ay ugu suuragashay gantaalkan inay qaban waayeen nidaamyada difaaca oo aan xataa wax digniin ah ka bixin.

Weerarkan ayaa u muuqda in looga danleeyahay in Israa’iil looga digo ballaarinta dagaalka, xilli ay Israa’iil isku dayayso inay duulaan ku qaado Lubnaan.

Sidoo kale , wuxuu ka tilmaan kacaya sida ay Xuutiyiinta u awoodaan inay weerarro weyn ka geystaan gudaha Israa’iil. iyadoo gantaalka ay soo rideen Xuutiyiinta ay ku qaadatay inuu bartilmaameedkiisa ku gaaro muddo 15 daqiiqo ah, isagoo masaafo 2,000 km waqtigaa ku socday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here