Home Wararka Caalamka Joe Biden oo Shaaciyay sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha...

Joe Biden oo Shaaciyay sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun.

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun.

Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu yiri, “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.”

Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee lagu laayey askartaan.

Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar kale oo Mareykan ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhow xuduudda Suuriya.

Madaxweyne Biden si raami ah uma faahfaahin waxa ay noqon karto tallaabada Mareykanka, balse Aqalka Cad ayaa Isniintii ballan qaaday “jawaab dhaxal gal ah”.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magacyada saddexdii askari ee looga dilay duqeyntii ka dhacday Jordan.

Saddexdaas sarkaal ayaa kala ah:

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here