Home Wararka Caalamka Jimmie Åkesson oo Kulan la qaatay Xisbiga Moderaterna Isagoo ka hadlay Kulankaasi

Jimmie Åkesson oo Kulan la qaatay Xisbiga Moderaterna Isagoo ka hadlay Kulankaasi

0

Jimmie Åkesson (SD) ayaa xafiiskooda kula kulmay xisbiga Moderaterna. Markii hore ma uusan dooneyn inuu ka jawaabo waxa looga hadlayo kulanka qadada, laakiin hadda hogaamiyaha xisbigu waxa uu ku soo qoray Twitter: “Marka waxaan diyaar u nahay inaan si wax ku ool ah uga qayb qaadanno isbeddelka awoodda”.

Kulanka ayaa loo badinayaa in looga hadlay arinta Dowlada Cusub ee soo socota.

Natiijooyinka doorashada ayaa tilmaamaya in Sweden ay wajaheyso isbedel dhanka awoodda ah, inkastoo ay si ciriiri ah ku hogaaminayaan garabka buluuga ah, waxaana xisbiga Sverigedemokraterna uu sameeyay doorasho guul ah,

Waxay hadda u muuqdaan inay noqdaan xisbiga labaad ee ugu weyn dalka. xoghayaha xisbiga SD Richard Jomshof ayaa sheegay in natiijadu ay ka dhigan tahay “dalabyo gabi ahaanba ka duwan kuwii hore uu Xisbiga doonayo”.

– Way caddahay in aan ka doodi karno jagada wasiirnimo, waxaa cad in aan ka doodi karno jagada ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiye iyo jagooyinka guddoonka ee guddiyada kala duwan, ayuu u sheegay SVT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here