Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay hadalkii dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron hadalkaasi oo ahaa in laga difaaco qiyamka cilmaaniga ah ee dalkiisa ee ka dhanka ah Islaamka xagjirka ah.
Tani waa maalintii seddexaad ee isku xigta ee cadhada Turkiga ay ka muujiso qorshaha Macron ee ah “in laga xoreeyo Islaamka dalka Faransiiska saameynta shisheeye,” iyadoo lagu daray liiska sii kordhaya ee khilaafaadka u dhexeeya hogaamiyaha Faransiiska iyo Erdogan .
Macron wuxuu usbuucii la soo dhaafay ku tilmaamay diinta Islaamka inay tahay diin “dhibaato ku dhex jirta” aduunka oo dhan wuxuuna sheegay in dowladiisa ay soo bandhigi doonto bisha Diseembar qorshe lagu xoojinayo sharcigii 1905 oo si rasmi ah u kala saaray kaniisadaha iyo Dalka Faransiiska.
Wuxuu ku dhawaaqay kormeer adag oo dhanka iskuulada ah iyo in si wanaagsan loo xakameeyo maalgalinta shisheeyaha ee masaajida.
Erdogan ayaa kula taliyay Macron “inuu fiiro gaar ah u yeesho inta uu ka hadlayo arrimaha uu jaahilka ka yahay.”
“Waxaan ka rajeyneynaa inuu u dhaqmo sidii nin masuul ah oo dowladeed intii uu u dhaqmi lahaa sida gudoomiye gobol oo kale.
Turkiga waa dal aqlabiyad muslim ah laakiin cilmaani ah oo qeyb ka ah NATO laakiin aan aheyn EU, halkaasoo dalabkeeda xubinimo uu hakad ku jiray tobanaan sano khilaafaadyo badan oo jira.
Somaliska Ankara
Turjumay Somaliska.com