Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa inay Duqeyn ku garaacday caasimadda Yemen ee Sanca. Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay ugu yaraan laba dhimasho iyo shan dhaawac ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.
Weerarkan ayaa waxaa baahiyay TV-ga Al-Masirah ee ay Xuuthiyiinta maamulaan. Milatariga Israa’iil (IDF) ayaa farriin ay soo dhigeen Telegram ku xaqiijiyay weerarka.
Sida laga soo xigtay IDF, bartilmaameedyada ayaa ahaa xarun ciidan oo ku dhow madaxtooyada, laba xarumo koronto iyo bakhaar shidaal.
– Weerarku waxa uu jawaab u yahay weerarrada soo noqnoqda ee taliska argagixisada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Israa’iil iyo shacabkeenna, sida ay IDF ku sheegtay Telegram.
Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacayeen Israa’iil muddo 22 bilood ah. Waxay sheegeen in weeraradu ay yihiin kuwo si wadajir ah u garab taagan Falastiiniyiinta oo ku lug leh dagaalka Gaza.