Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegaya inay dileen xubin ka tirsan ciidanka Quds ee Iiraan kadib weerar ay ka fuliyeen Lubnaan, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters.
IDF waxay sheegtay in ninka la dilay uu ahaa “argagixiye muhiim ah” oo ka tirsanaa cutubka hawlgallada ee ciidanka Quds, kaas oo ah laanta Ilaalada Kacaanka Iiraan ee qaabilsan hawlgallada dibadda.
Sida ay IDF sheegtay, ninkan ayaa ku lug lahaa weerarro lagaga soo qaaday Israa’iil dhanka Suuriya iyo Lubnaan.
Horraantii Khamiista, dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in laba qof ay ku dhinteen weerar Israa’iil ah oo ka dhacay meel u dhow xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD







