Home Wararka Caalamka Isbeddello Waaweyn oo Lagu Sameynayo Shuruucda Dhaxalka ee Sweden oo Dhaqan Geli...

Isbeddello Waaweyn oo Lagu Sameynayo Shuruucda Dhaxalka ee Sweden oo Dhaqan Geli Kara 2027

0

Dowladda Sweden ayaa soo jeedisay wax ka beddel ballaaran oo lagu sameynayo shuruucda dhaxalka iyo dardaaranka, kuwaas oo la qorsheynayo inay dhaqan galaan 1-da Luulyo 2027. Isbeddelladan ayaa khuseyn doona lammaanaha is qaba, kuwa wada nool balse aan is qabin, iyo carruurta.

Soo jeedintan ayaa timid iyadoo la tixgelinayo isbeddelka ku yimid qaab nololeedka qoysaska, halkaas oo ay kordheen dadka ku wada nool xiriir aan guur rasmi ah ahayn, sidoo kalena ay bataan carruur ka dhalatay xiriirro kala duwan. Dowladda ayaa sidoo kale doonaysa in sharcigu la jaanqaado nolosha casriga ah ee sii kordheysa dhanka dijitaalka.

Sida uu qoray wargeyska nyheter24, mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee la soo jeediyay waa in la sameeyo diiwaan rasmi ah oo dowladeed oo lagu kaydiyo dardaarannada (wasiyadaha), iyadoo isdiiwaangelintu ay noqon doonto mid ikhtiyaari ah.

Diiwaankan cusub waxaa mas’uul ka noqon doona hay’adda canshuuraha ee Sweden, Skatteverket. Ujeeddadu waa in la yareeyo khatarta ah in dardaaran la waayo ama aan la helin marka qofku geeriyoodo, si loo hubiyo in rabitaankii marxuumka si sax ah loo fuliyo.

Isbeddelladan ayaa la filayaa inay xoojiyaan ilaalinta sharci ee muwaadiniinta, isla markaana ay shuruucda dhaxalka ka dhigaan kuwo la jaanqaadaya qaab-dhismeedka cusub ee qoysaska iyo horumarka tiknoolajiyadda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here