Mas’uuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ugu yaraan 16 gantaal oo ballistic ah iyo 121 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) maanta lagu soo weeraray dalka.
Sida ay sheegeen saraakiisha, dhammaan gantaallada marka laga reebo mid badda ku dhacay ayaa la qabtay lana burburiyay. Sidoo kale ugu yaraan 119 drones ayaa la qabtay, halka labo drone ay ku dhaceen gudaha dhulka Imaaraadka Carabta.
Tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in la ogaaday:
221 gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo 205 la burburiyay, 14-na ay badda ku dhaceen, halka labo ay ku dhaceen gudaha dalka Imaaraadka.
1,305 drones oo laga soo diray Iran, kuwaas oo 1,229 la qabtay, halka 76 ay ku dhaceen gudaha dalka.
Sidoo kale siddeed gantaal oo cruise ah ayaa la ogaaday laguna guuleystay in la burburiyo.
Weeraradan ayaa sababay dhimashada saddex qof oo kala ah muwaadiniin u dhashay Pakistan, Nepal iyo Bangladesh. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhaawacyo fudud 112 qof oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Masar, Itoobiya, Filibiin, Pakistan, Iran, Hindiya, Bangladesh, Sri Lanka, Azerbaijan, Yemen, Uganda, Eritrea, Lubnaan, Afghanistan, Bahrain, Comoros iyo Turkiga.







