Home Wararka Caalamka Hungary oo Qaxootiga ka Xirtay Xadka Serbia, iyo Croatia oo Tacadiyo kula...

Hungary oo Qaxootiga ka Xirtay Xadka Serbia, iyo Croatia oo Tacadiyo kula kacday Qaxootiga Qaar

0

Qaxooti badan ayaa ku sugan Wadanka Giriiga waxana ay doonayaan in ay soo galaan wadamada Yurub iyagoo isticmaalaya dhanka dhulka.

Dowlada Hungry ayaa dhawaan xirtay Xadka ay la wadaagto wadanka Serbia taasi oo keentay in Qaxooti badan ay u weecdaan dhanka buuraha u dhaxeeya Bosnia iyo Croatia.

Qaxootiga badankooda ayaa halkaasi kala kulmay dhibaato xoogan, Wariyaal ka tirsan Talafashinka Dowlada Sweden ee SVT ayaa tagay halkaasi oo kadib wareestay dad ku sugan Bosnia.

Qaxootiga waxay sheegeen in Dadka qaarkood ay Booliska Croatia ka qaateen alaabta ay wateen isla markana u geesteen dhibaatooyin kala duwna.

dadkan ayaa safar dhulka ugu soo baxay wadanka Giriiga si ay u soo gaaraan Yurub inteeda kale lakin dhibaato ayaa ku heysata halkaasi.

Xiliga kuleelaha ayaa badanaa la filaa in Qaxootiga badankooda soo galaan Wadamada yurub lakin Xaalada Corona ayaa keentay in Safarada ay yaraadaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here