Jimmie Åkesson, hoggaamiyaha xisbiga Sweden Democrats (SD), ayaa ku baaqay in la helo xalal sharci iyo kuwo bani’aadamnimo oo loo raadiyo dhallinyarada ku barbaartay Iswiidhan isla markaana si buuxda ula qabsaday bulshada, balse halis ugu jira in la masaafuriyo marka ay gaaraan 18 sano jir, sababo la xiriira adkeynta cusub ee siyaasadda socdaalka.
Maqaal aragtiyeed uu ku daabacay wargeyska Aftonbladet, ayuu Åkesson si kulul ugu dhaliilay siyaasadaha socdaalka ee Iswiidhan ku dhaqmeysay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan masuuliyad lahayn isla markaana sababay dhibaatooyin waaweyn oo saameeyay bulshada.
Wuxuu sheegay in tirada dadka soo galay dalka ay ahayd mid aad u badan, halka shuruudaha is-dhexgalka iyo kormeerku ahaayeen kuwo aad u dabacsan, arrintaas oo uu ku dooday inay culays weyn saartay nidaamyada aasaasiga ah ee dowladdu bixiso sida waxbarashada, adeegyada bulshada iyo garsoorka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah degmooyinka dalka ay la kulmeen cadaadis aan horay loo arag, taasoo gaarsiisay in adeegyo bulsho oo muhiim ah ay qarka u saarnaayeen burbur.
Doodda cusub ee Åkesson ayaa imaneysa xilli Iswiidhan ay sii waddo adkeynta siyaasaddeeda socdaalka, iyadoo arrintan ay dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya xisbiyada iyo bulshada rayidka ah.







