Xisbiga Centerpartiet ayaa soo bandhigay soo jeedin cusub oo ah waddo degdeg ah oo lagu heli karo jinsiyadda Sweden, taasoo u oggolaanaysa dadka inay codsadaan jinsiyadda kadib shan sano oo ay dalka ku noolaayeen, haddii ay bixiyeen ugu yaraan 500,000 oo karoon oo canshuur ah muddadaas.
Soo jeedintan ayaa loo arkaa mid beddel u ah qorshaha dowladda, kaasoo dhigaya in qofku uu sugo siddeed sano ka hor inta uusan codsan jinsiyadda.
Afhayeenka siyaasadda isdhexgalka ee xisbiga, Niels Paarup-Petersen, ayaa sheegay in waddadan degdegga ah “aysan kaliya xoojinayn isdhexgalka, balse ay sidoo kale ka dhigeyso Sweden mid si fiican ugu tartami karta soo jiidashada shaqaale xirfad sare leh oo ka yimaada suuqyada caalamiga ah.”
Wuxuu intaas ku daray in xisbigu doonayo nidaam dhiirrigeliya shaqada, masuuliyadda shakhsiga ah iyo isdhexgalka, halkii laga hirgelin lahaa shuruudo isku mid ah oo laga yaabo inay ka reebaan dad si dhab ah uga qayb qaadanaya bulshada.
Xisbiga Centerpartiet ayaa sidoo kale ka digay in adkeynta shuruudaha hadda la soo jeediyay ay saameyn taban ku yeelan karto dadka horey ula qabsaday bulshada isla markaana bixiya canshuuraha, taasoo keentay baahida loo qabo dhiirrigelin muuqata oo ka tarjumaysa kaalintooda.
Dhanka kale, dowladda Sweden oo taageero ka helaysa xisbiga Sweden Democrats (SD), ayaa soo jeedisay sharci adkeynaya helitaanka jinsiyadda, oo ay ku jiraan kordhinta muddada deggenaanshaha iyo soo bandhigista imtixaanno luqadda Sweden iyo aqoonta bulshada. Qorshahan ayaa la filayaa inuu dhaqan galo 6-da Juun haddii baarlamaanku ansixiyo.