Home Wararka Caalamka Heerka Dhalmada Sweden oo hoos u dhac Taariikhi ah ku yimid

Heerka Dhalmada Sweden oo hoos u dhac Taariikhi ah ku yimid

0
Foto: Christine Olsson / TT

Heerka dhalmada ee Iswiidhan ayaa hoos u dhacay si aan horay loo arag, iyadoo sanadkii hore uu gaaray 1.43 ilmo halkii haweeney, waana tiradii ugu hooseysay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda dalka.

Hoos u dhacan ayaa ku qasbay Wasiirka Arrimaha Bulshada, Jakob Forssmed, inuu shir jaraa’id oo hore ku adkeeyo baahida loo qabo in si qoto dheer loo baaro arrimaha carqaladeeya dhalmada, sida guryaha, xaaladda dhaqaale, sinnaanta, iyo isu dheellitirka nolosha shaqada iyo tan gaarka ah.

Iyadoo hoos u dhacani jiro, sahamin cusub oo ay sameysay wargeyska Aftonbladet oo la kaashanaya hay’adda Demoskop ayaa muujisay in in ka badan hal haweeney shantii haweenba mid aysan gabi ahaanba rabin inay carruur dhasho.

Sahamintu waxay sidoo kale muujisay in 22 boqolkiiba haweenka da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 45 sano ay sheegeen inaysan rabin carruur, halka kaliya 8 boqolkiiba ragga isla da’daas ah ay sidaas sheegeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here