Hay’adda CSN ayaa go’aansatay in ay kordhiso deeqaha waxbarasho sanadka soo socda, si ardayda dalka ee wax ku barata waqti buuxa ay helaan 1,000 karoon oo dheeraad ah bishii.
SCB waxay dib u eegtay xisaabinteeda waxa loogu yeero prisbasbeloppet sanadka soo socda. Waa lacag ay hay’addu dejiso sannad kasta si ay u go’aamiso heerka ay marayso arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kaalmada ardayda, lacagta hawlgabka ee dammaanadda ah, iyo cashuur dhimista, waxaana lagu xisaabiyaa inta aasaasiga ah iyada oo loo eegayo heerka sicir-bararka dalka.
Hay’addu waxay kordhisay lacagta aasaasiga ah oo ka ahayd 48,300 karoon sanadkan, waxayna ka dhigtay 52,500 karoon sanadka soo socda. Kor u kac aan hore u dhicin mudo 40 sano.
Toddobaadkan, dawladdu waxay ansixisay qiimaha aasaasiga ah ee komishanka
Sidaas darteed, CSN waxay hadda sare u qaaday deeqda waxbarasho boqolkiiba 8.7 sanadka 2023. Taas macnaheedu waa in kuwa wakhtiga buuxa wax ku barta oo qaata amaahda ay qaadan doonaan qiyaastii 12,000 karoon afartii toddobaad ee waxbarasho, korodhka 1,000 karoon marka loo eego hadda.
CSN waxa ay sidoo kale kordhisay dakhliga uu ardaygu ku heli karo deeqaha waxbarasho, iyadoo ka dhigtay 101,697 karoon muddo 20 todobaad ah, halkii ay sanadkan ka ahayd 93,561. Taas macneheedu waxa weeye in ardaygii shaqaysta ee qaata wax ka yar 101,000 karoon 20 usbuuc gudahood uu deeq waxbarasho ka heli karo CSN. Sida ay maamulka ku sheegtay shabakadeeda.