Sanduuqa Ceymiska Bulshada ayaa ka dalbaday Aabe reer Umeå ah in uu soo celiyo lacag ka badan 240,000 oo kronor kadib markii la ogaaday in uu qaatay lacago Dowladeed oo aan munaasib aheyn.
Ninkan oo ubadkiisa degenayn Sweden in ka badan sanad ayaa helayay lacag dawladda sida ay sheegtay idaacada Sweden .
Muddo ku dhow hal sano ayuu sii waday codsigii gunnada carruurta iyo lacagta waalidka iyadoo dhaqaalaha la siin jiray inkasta oo xaaskiisii iyo carruurtiisii ay Sweden ka tageen.
Baaritaanka ayaa bilowday ka dib markii sanduuqa caymiska uu helay macluumaadka ku saabsan in qoyska ninkan ay ka tageen dalka. Sidaas darteed, waxaa la go’aamiyay in uu u soo celiyo lacagihii la siiyay oo dhan 242.416 krone.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD