Haweeneyda isku dayday inay joojiso Dibad-baxa Silwan Momika, oo qur’aanka ku gubayay afaafka hore ee safaaradda Iran ee Stockholm, ayaa ka hadashay sida ay wax u dhaceen.
Waxay tixgelisay in ficillada noocaas ah ay ka dhigantahay dadka iswiidhishka ah inay bixiyaan qiimaha iyo Qarashka ku baxa.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Cecilia, ayaa u sheegtay wargeyska Expressen in ay wargeyska ka akhriday habka loo qorsheeyay in lagu gubo Qur’aanka, taas oo keentay in ay ka cadhooto isku dayadan soo noqnoqday.
“Waxaan dareemay inaan diido… wayna ku filan tahay hadalkan macno-darrada ah,” ayay tidhi.
“Ujeeddada kaliya ee falkaas laga leeyahay waa kicinta iyo si xun ula dhaqanka Muslimiinta,” ayay ku qortay email-ka wargeyska. “Waxaan bixinaynaa qiimaha, iyadoo ay sii kordhayso ammaan-darrada.”
Cecilia ayaa jimcihii ina dhaaftay isku dayday in ay joojiso gubashada qur’aanka kariimka ah iyada oo adeegsatay dab-damis, taas oo keentay in uu istaago shirka.
Cecilia waxa lagu xidhay sharciga booliska waxaana looga shakisan yahay inay khalkhal galisay nabadgalyada adeega bulshada iyo inay tacadiyo u gaysatay shaqaale dawladeed.