Home Wararka Caalamka Haweeney Laga Tarxiilay Sweden oo dib ugu soo laabatay iyadoo Sharci Deganaansho...

Haweeney Laga Tarxiilay Sweden oo dib ugu soo laabatay iyadoo Sharci Deganaansho heysata

0

Haifa ayaa Jimcii ka soo duushay dalka Yemen iyadoo ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Luleå Airport ka dib markii ay heshay sharciga degenaansho.

Haweeneydan markale la kulantay qoyskeeda ka dib markii la tarxiilay sannadkii 2023, inkasta oo ay ku noolayd magaalada Boden ee waqooyiga Sweden muddo toddoba sannadood ah.

Haifa ayaa la tarxiilay April 2023 ka dib markii codsigeedii magangalyada la diiday, inkastoo ay haysatay shaqo joogto ah, waxay si degdeg ah uga codsatay loo shaqeeyaheeda inkastoo arintaasi aysan ku guuleysan kadib markii ay waqti dheer qaadatay

Hey’adda Socdaalka ayaa xilligaas ku andacooneysay in aysan ogeyn in Haifa ay dooneyso in ay beddesho kiiskeeda inkastoo xogta ay ku qorneyd dukumeentigeeda. Kadib waxaa lagu qasbay in ay Sweden ka baxdo.

Hooyadan ayaa ku Nooleyd sanadkii u dambeeyay dalka Yemen, iyadoo sugeysay sharciga degenaanshaha, taasoo ay dhawaan heshay muddo labo sano ah, sida uu baahiyay telefishinka Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here