Home Wararka Caalamka Haweeney ku dhimatay Qarax ka dhacay Magaalada Upsalla

Haweeney ku dhimatay Qarax ka dhacay Magaalada Upsalla

0
Foto: Johan Nilsson/TT

Qarax xoogan ayaa ka dhacay xaafad ku taal Fullerö ee waqooyiga Uppsala waxaana ku geeriyootay haweeney 25 jir ah, sida uu sheegay booliska.

Haweeney ayaa ahayd deris aan wax xidhiidh ah la laheyn burcada sida ku cad xogta SVT. Laba qof ayaa la xidhay.

Xogtan ayaa la helay abaaro 03:45 ka dib markii qarax xooggan uu ka dhacay Fullerö oo ka baxsan Uppsala.

-Laba guri ayaa si xun u burburay, saddex guri oo kalena waxyeelo ayaa gaartay ayay tidhi Pelle Vamstad, oo ah afhayeenka saxaafadda ee bilayska.

Haweeney da’yar oo dhaawacantay ayaa isbitaalka loo qaaday xilli habeen ah, balse markii dambe booliska ayaa sheegay inay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Ilaa iyo inta ay booliisku ogyihiin, waxay ahayd deris aan xidhiidh la laheyn kooxaha gangiska mana ahayn bartilmaameedkii loogu talagalay, sida lagu sheegay xogta SVT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here