Home Wararka Caalamka Golaha Yurub oo Germalka ku Dhaleeceeyay Diidmada Dibad-baxyada Falastiin

Golaha Yurub oo Germalka ku Dhaleeceeyay Diidmada Dibad-baxyada Falastiin

0

Warqad uu u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka Dobrindt, Golaha Yurub ee Xuquuqda Aadanaha, Michael O’Flaherty, ayaa dhaleeceeyay “rabshadaha xad dhaafka ah” ee ka dhanka ah mudaharaadayaasha taageersan Gaza iyo xaddidaadda isticmaalka calaamadaha Carabiga iyo dhaqanka inta lagu jiro mudaaharaadyada Jarmalka.

Golaha Yurub ee Xuquuqda Aadanaha, Michael O’Flaherty, ayaa walaac ka muujiyay sida ay maamulka Jarmalku u maareeyeen mudaaharaadyo ka dhan ah dagaalka ka dhacay marinka Gaza ee Falastiin ee la go’doomiyay.

Warqad uu u diray wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Alexander Dobrindt, O’Flaherty waxa uu ku dhaleeceeyay xaddidaadda xorriyadda isu imaatinka iyo hadalka inta lagu jiro mudaaharaadyadan.

O’Flaherty waxa uu qoray in ay jiraan warbixino ku saabsan “rabsho xad dhaaf ah” oo ay booliiska Jarmalku kula kaceen dad mudaaharaadayaal ah, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaar ahayn, isaga oo xusay in dhacdooyinkan qaarkood ay ka dhasheen dhaawacyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here