Home Wararka Maanta Germalka oo sheegay in uu Qaxooti kasoo qaadanayo Dalka Lubnaan

Germalka oo sheegay in uu Qaxooti kasoo qaadanayo Dalka Lubnaan

0

Caasimada Jarmalka ee Berlin ayaa ku dhawaaqday inay dooneyso inay soo dhaweyso 500 oo qof oo qaxooti ah, qaxootig ayaa ah Siiriyaan iyo Ciraaqiyiin. Dadka ay arrintu khusayso waxay ku suganyihiin Lubnaan.

Aqalka Senate-ka ee magaalada Berlin ayaa soo saaray wareegto wadada u xaaraysa in magaalada caasimada ah ee Jarmalka ay qaabisho dad baahi gaar ah u qaba ilaalin kuwaasoo u qaxay Lubnaan.

Kadib “isuduwid dhamaystiran” oo udhaxeysa maamulada federaalka iyo gobolka iyo waliba dib udhaca cudurka faafa ee coronavirus, “amarka qaabilaada qaxootiga Lubnaan” ayaa hada lasoo saaray iyadoo lala tashanayo wasaarada arimaha gudaha ee federaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay golaha guurtida Berlin.

Qeybta 23, Faqradiisa 1aad ee Sharciga Deganaanshaha Jarmalka wuxuu amrayaa in qeybinta ruqsadaha degenaanshaha bina’aadanimo ee gaarka ah ay u baahan tahay ogolaanshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka – go’aannada ma qaadan karaan ismaamullada gobollada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Golaha Wakiillada ee Berlin wuxuu durbaba go’aansaday dhammaadka 2018 in la sameeyo barnaamij soo dhaweyn ah oo kaalmooyin bani’aadamnimo ku aadan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here