Booliiska Jarmalka ayaa xiray labo wiil oo walaalo ah. xariga ayaa dhacay gu’gii hore.
Walaalaha oo ka yimaaday Suuriya ayaa ku noolaa Jarmalka dhowr sano.
Maxkamada labada walaalo oo socotay mudo ayaa hada soo dhamaatay.
Maxkamada ayaa sheegtay in walaalaha ay qorsheynayeen in ay bam ku qarxiyaan kaniisad ku taal dalka Sweden.
Saraakiishu waxa ay ka akhriyeen wada sheekaysi dhexmaray labada walaal.
Walaalka weyn oo jiray 29 sano jir. ​​ayaa lagu xukumay shan sano ah oo xariga ah.
Wuxuu qirtay inuu qorsheeyay weerar. Waxa uu damcay in uu weeraro
Kaniisad ay leeyihiin Masiixiyiinta Sweden ka dib markii uu akhriyay dad Qur’aanka ku gubaya Sweden.
Walaalka ka yar waa qiyaastii 25 jir. Wuxuu ka badbaaday xabsiga.
Maxkamada ayaa sheegtay in walaalka ka yar uusan wax walba ka ogeyn qorshaha.