Home Wararka Caalamka Gaza oo lagu Dilay Lix ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay

Gaza oo lagu Dilay Lix ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay

0

Lix ka mid ah shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee Bariga Dhexe (UNRWA) ayaa lagu dilay laba weerar oo cirka ah oo Arbacadii ka dhacay magaalada Nuseirat ee badhtamaha Gaza.

Hay’ada UNRWA ayaa ku warantay sidaasi sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ururka laftiisa ayaa sheegay in ay tahay tiradii ugu badneyd ee shaqaalaha UNRWA lagu dilo hal dhacdo tan iyo bilowgii dagaalka.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, in ka badan 280 shaqaale gargaar ah ayaa lagu dilay dhulka Falastiin.

Liiska shaqaalaha gargaarka ee la dilay ayaa la sameeyay iyadoo lagu salaynayo tirokoob laga soo saaray keydka xogta ammaanka shaqaalaha gargaarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here