Home Wararka Caalamka Garoonka Diyaaradaha Arland oo Nidaam Cusub lagu soo kordhiyay

Garoonka Diyaaradaha Arland oo Nidaam Cusub lagu soo kordhiyay

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT / Kod 10080

Shirkada Maamusho Garoonka Diyaaradaha Arland ayaa soo kordhisay Nidaam Cusub oo lagu soo kordhiyay Qeybo kamid ah Garoonka Qeybtiida Terminal 5-ka

Shirkada SWedivia ayaa ku dhawaaqday in Qeybta Terminal Five-ka Dadka ka dhoofaya aysan u baahneyn inay soo bixiyaan Qalabka ku jira boorsada gacanta Sida Qalabka Electrika ee laabtooga.

Qofka maraya Qeybta baaritaanka ayaa Qalabkaasi iyo Kariimada ku heysanaya Boorsadiisa ama Shandadiisa iyadoo la baarin waxana meesha ka baxaya culeeska badnaa ee ku aadan in uu qalabka soo bixiyo kadibna markale ku celiyo.

Lacaga Birta ah ee Qadaacdiicda iyo Dharka ayay wali tahay in qofka uu soo saaro mudada uu ku jiro qeybta baadhitaanka.

Garoonka Arland qeybta Terminalka Five-ka oo kaliya ayaa laga hirgaliyay nidaamka cusub ee Shirkada ku dhawaaqday Sida uu qoray Joornalka MITTI.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here