Warar ka imanaya Yurub ayaa sheegaya in sannadka 2025 uu si weyn u kordhay tirada qaxootiga laga masaafuriyay Jarmalka.
Intii u dhexeysay Janaayo iyo Nofeembar 2025, waxaa la tarxiilay 21,311 qof, taas oo ah koror ku dhow 16 boqolkiiba marka loo eego sannadka 2024, sida ay sheegtay Madasha Adeegga Warbaahinta Isdhexgalka.
Masaafurintaas waxaa ka mid ahaa 5,112 qof oo loo raray dalal kale iyadoo lagu saleynayo Heshiiska Dublin III. Dalalka ugu badan ee dadka loo masaafuriyay waxay ahaayeen Turkiga, kadibna Joorjiya, halka Isbaanishkuna uu kaalinta saddexaad galay.
Sharci ahaan, mas’uuliyiinta Jarmalka waxay xaq u leeyihiin inay laalaan ama ka noqdaan ruqsadda deggenaanshaha qof ajnabi ah oo gala dambiyo ama loo arko khatar ku ah “amniga guud, kala dambeynta, ama nidaamka dimuqraadiyadda xorta ah ee aasaasiga ah.” Tallaabadan waxaa loo yaqaannaa tarxiil (masaafurin).







