Home Wararka Caalamka Garmalka oo heshiis dhanka socdaalka ah la saxiixday Wadama Kenya, Uzbekistan

Garmalka oo heshiis dhanka socdaalka ah la saxiixday Wadama Kenya, Uzbekistan

0
Foto: Michael Kappeler / AP

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz waxa uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo laba heshiis oo socdaalka ah – mid Kenya iyo kan kale ee Uzbekistan. heshiisyadan ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo soo celinta magangelyo-doonka ku guul darreystay helitaanka sharciyadooda

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka ayaa ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto Kulankaas oo ka dhacay Berlin labada waddan ayaa rajeynaya inay xoojiyaan xiriirkooda laba geesoodka ah, oo ay ku jiraan arrimaha socdaalka.

Hogaamiyaha Jarmalka Scholz ayaa doonaya in dad badan oo magangalyo doon ah oo ku fashilmay helitaanka sharciyadooda ay dib ugu celiyaan wadankii ay asal ahaan ka soo jeedaan, waxaana uu dhameystiri doonaa heshiiska uu la galayo Madaxweynaha Kenya. heshiiska waxaa saxiixi doona wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Nancy Faeser iyo dhiggeeda Kenya Musalia Mudavadi.

Xaalad la mid ah ayaa la qorsheeyay marka Scholz uu booqdo Uzbekistan. Weli ma cadda in heshiiska lala gelayo Uzbekistan uu sidoo kale saameyn doono muwaadiniinta Afgaanistaan ​​ah ee ku noolaa dalka ku yaalla bartamaha Aasiya ka hor intaysan magangelyo ka dalban Jarmalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here