Home Wararka Caalamka Gabar 14 Sano Jir ah oo lagu toogtay Magaalada Los Angeles ee...

Gabar 14 Sano Jir ah oo lagu toogtay Magaalada Los Angeles ee Dalka Mareykanka

0
Foto/Ringo HW Chiu / TT / AP

Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in gabar 14-sano jir ah uu toogasho ku dilay askari ka tirsan booliiska magaalada Los Angeles.

Booliiska ayaa lagu wargeliyay dukaan dharka lagu iibiyo subaxnimadii Khamiista, sababtuna waa nin ku xad-gudbay haweeney. Sida ay boolisku sheegeen ninkan ayaa hubeysnaa.

Isla goobtii dukaanka dharka lagu iibiyo ayay boolisku ku dhufteen dhowr xabadood oo mid ka mid ah uu ku dhintay ninkii rabshadaha watay. 

Mid ka mid ah rasaasta ayaa sidoo kale ku dhacday gabar 14 jir ah , taasoo ku jirtay mid ka mid ah qolalka  dukaanka. Gabadha ayaa u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Baarayaasha ma oga in gabadhu ay ku jirtay qolka lebiska ka hor inta aan la toogan ama in ay u soo dhex gashay si ay u qariso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here