Haweeney da’deedu tahay lixdameeyo oo ku nool magaalada Sundsvall ee dalka Sweden ayaa hey’adda caymiska bulshada (Försäkringskassan) ka codsatay in ay u soo celiso lacag ka badan 800,000 oo karoon, kadib markii ay si sharci darro ah u heshay magdhow lacageed.
Sanduuqa ayaa sheegay in haweeneydu ay si qaldan u heshay lacagta jirrada xilliyo kala duwan oo u dhexeeyay 2016 iyo 2024, iyadoo ay ugu wacan tahay fasaxa jirrada oo buuxa ama hoos u dhac ku yimid awoodeeda shaqo sida uu qorah P4.
Ka dib markii ay dib u eegis ku sameeyeen galkeeda, sanduuqa waxa ay ogaatay macluumaad muujinaya in ay awooday in ay si buuxda u shaqeyso tan iyo 2016, taas oo ka dhigaysa mid aan u qalmin faa’iidooyinkan.
Sida ku cad go’aanka, haweeneydu waxay haysataa hal bil oo ay dib ugu soo celiso lacagta, ka dibna 11 boqolkiiba dulsaarka ayaa lagu dari doonaa qaddarka lagu leeyahay.
Guddi baaritaan oo dowladeed ayaa soo jeediyay in dadka ku kaca wax isdaba marinta kaalmada bulshada, sida kaalmada masruufka carruurta (VAB) ama lacagta jirrada, loo diidi karo kaalmada bulshada muddo u dhexeysa saddex bilood ilaa saddex sano