Faransiiska ayaa ku dhawaaqay inuu adkeenayo Sharciga Wadankaasi ee dhanka Socdaalka isagoo soo celinaya Sharci horay u jiray oo ku aadan dhanka Socdalka wadamada Xadka la leh.
Faransiiska ayaa si ku meel gaar ah dib ugu soo celin doona kontaroolada xuduudaha ee wadamada deriska la ah lix bilood laga bilaabo Nofembar, dib u soo celinta ugu baahsan ee hubinta tan iyo markii aagga Schengen la abuuray soddon sano ka hor. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay sabab u tahay khataro dhanka ammaanka ah iyo tahriibka.
Horaantii bishan, dawladda Faransiisku waxay ku wargelisay Komishanka Yurub iyo lix dawladood oo deriska ah – Belgium, Luxembourg, Germany, Switzerland, Italy iyo Spain – inay dib u soo celin doonto hubinta xuduudaha dhulka, hawada iyo marinnada badda laga bilaabo Noofambar 1 ilaa ugu yaraan Abriil 2025.
Waxay soo xigatay “khatarta halista ah ee ku wajahan siyaasadda guud, nidaamka dadweynaha, iyo amniga gudaha ee ay sababaan dhaqdhaqaaqyada argagixisada heerka sare ah, joogitaanka shabakadaha dembiilayaasha ee fududeynaya socdaalka iyo tahriibka.
Go’aankan ayaa la yaab ku noqday dad badan oo caadaystay dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Midowga Yurub waxa loogu yeero Aagga Schengen .