Ciyaartoyda Faransiisku ayaa laga Mamnuucay Xijaabka haddii ay rabaan inay ka qaybgalaan ciyaaraha Olombikada xagaaga soo socda.
Iyadoo la raacayo shuruucda kale ee dalka u degsan ee ku saabsan cilmaaniyadda oo ay ka mid yihiin mamnuucista xirashada abayada ee goobaha waxbarashada, dhammaan ka qeyb galayaasha wafdiga Faransiiska ayaa laga mamnuucay xirashada xijaabka inta lagu guda jiro ciyaaraha 2024-ka.
dawladda Faransiisku waxay ka soo horjeedaa muujinta calaamadaha diinta inta lagu jiro dhacdooyinka isboortiga, wasiirka ciyaaraha Faransiiska, Amélie Oudéa-Castéra, ayaa ku dhawaaqay Axaddii, sida laga soo xigtay France24.
Go’aanka, sida uu sheegay wasiirka ciyaaraha Faransiiska, macnaheedu waa “dhexdhexaadnimo buuxda oo dadweynaha ah”, inkastoo aan meel kasta laga soo dhaweyn.